Lula de silva oo isku diiwaan galinaya loolanka madaxtinimo ee Brazil

0
568

Madaxweynihii hore ee dalka Luiz Inacio Lula da Silva ayaa maalinta bari oo waxaaa uu isku diwaan galin doonaa in uu u tartamo xilka madaxtinimo ee doorashada dhaceysa bisha October,xilli uu wajahayo eedeymo musuq maasuq oo uu ku muteystay inlagu xakumo 12 sano oo xabsi ah.Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga shaqaalaga ayaa waxay sheegeen in ay qorsheynayaan in maalinta bari ah ay dibad baxyo ka dhigaan caasimada dalka Brazil si gudiga doorashada ay ugu ogolaadaan loolan Mr Lula.Lula oo ah madaxweynihii 35-aad ee soo mara dalkaas ayaa xilka hayay sanadii 2003-dii ilaa 2011-kii,balse waxaa uu doonayaa 72 jirkaan in uu markale la wareego talada dalkaasi.Sharciga Brazil ayaa waxaa uu qeexayaa in uusan loolami karin siyaasi lagu eedeyay falal danbiyeedyada ay ka midyihiin musuq maasuqa iyo waxis daba marinta.Sida laga soo xigtay xisbiga shaqaalaha oo uu hogaamiyo mr Lula waxaa ku xigeenka madaxweynaha u noqon doonaMayor-kii hore ee magaalada Sao Paulo Fernando Haddad.Balse bisha soo aadan ayaa gudiga doorashada dalkaasi lafilayaa in ay go,aan ka qaatan in uu loolami doono mrlula da silva iyo in kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here