Shir looga hadlayo ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab oo maanta ka furmaya Dhuusamareeb

0
599

Shir looga hadlayo ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab oo maanta ka furmaya Dhuusamareeb

Shir looga hadlayo ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka socda Taliska Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale Saraakiil dhanka Amniga qabailsan oo ka socota Qaramada Midoobey ayaa ka qeyb galaya.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada Galmudug iyo kuwii Ahlusuna ee dhowaan la isku daray, sidoo kale waxaa laga hadlayaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolada Dhexe ka maamulaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa dalbaday in la qalabeeyo Ciidamada, si ay isugu diyaariyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here