Kulan magaalada Jigjiga uga socda Saraakiil ka timid Addis Ababa iyo Odayaasha dhaqanka

0
949

Kulan magaalada Jigjiga uga socda Saraakiil ka timid Addis Ababa iyo Odayaasha dhaqanka

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maalintii labaad uu kulan u socdo Saraakiil sare oo ka soo duulay magaalada Addis Ababa iyo Odayaasha dhaqanka.

Saraakiisha sar sare ayaa waxaa ka mid ah Jen. Xasan Ibraahim oo u qaabilsan Wasaaradda Difaaca Itoobiya dhanka Sirdoonka iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Bariga Itoobiya Jen. Balaay Sayuu.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo u badan amniga iyo rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay Jigjiga, waxaa saraakiisha ay odayaasha u sheegeen ujeedada Ciidamada Milateriga u soo farageliyeen arrimaha Kililka Shanaad iyo sidii xaalada loo dejin lahaa.

Saraakiishan ayaa u sheegay Odayaasha in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo carqalado ka sameysa deegaanka iyo cidi hub qaadato oo dibadda u baxdo.

Odayaasha dhaqanka ayaa iyagana raalli gelin iyo garawshiyo ka bixiyey dhibaatooyin loo gaystay kaniisado iyo meherado ay lahaayeen dad ka soo jeeda qowmiyado aan Soomaali ahayn.

Kulanka socda magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay kulamo looga hadlayo xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana magaalada Addis Ababa ka socdo xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo kulan la leh dowladda Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here