Daraasad Daahrogtay Sabab Ragga Qaar “Gogoldhaaf” Ku Riixda

0
963

Daraasad Daahrogtay Sabab Ragga Qaar “Gogoldhaaf” Ku Riixda

Daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda Cambridge ayaa lagu ogaaday in ku guuleysiga tartan uu kadiyo ragga illaa ay ka gaaro heer uu khiyaano iyo qish uu sameeyo.

Cilmi-baarayaashu waxey daahrogeen in ragga uu ku bato hormoonka testosterone marka ay aaminaan iney ragga kale ay tartan dumar kaga adkaadeen, arrintaas oo ka dhigay dad qaar iney naftooda u eegaan iney yihiin taargat qiimo badan.

Daraasaddan ayaa muujisay in guushu ay keento isbedbedel ku yimaadda hormoonnada ragga iyo hab dhaqankooda jinsiga, taas oo ka dhigtay iney markasta u hanqal taagaan, waxa guushooda ka dambeeya, dumarka quruxda badan.

Cilmi-baarayaashan ayaa waxey qiyaaseen heerka hormoonka ragga iyo soojiidashada ay leeyihiin, iyo kalsoonidooda ku aaddan u dhawaanshiyaha dumarka. waxaa xaaladooda la baaray 38 rag ah oo da’aadda labaatameeyada ku jira, ka hor iyo kadib markii ay tartan la galeen rag kale.

Cilmi-baarayaashu waxey sameeyeen iney natiijada tartanka ay isku qasaan oo qof aan guuleysan la yiraahdo waad guleysatay, waxaa arrintaana laga ogaaday in raggii isku arkayay iney guuleysteen uu hormoonka testosterone uu kordhay oo kalsoonida naftoodu ay korortay, arrintaas oo dhalisay inuu is bedelo habdhaqankoodii jinsiga oo shabeel naagood isku bedelay.

Ragga aaminay iney tartanka ku guuleysteen hormoonka testosterone waxa uu kor u kacay 4.9%, sidoo kale waxaa hoos u dhacay heerka hormoonka 7.24% kuwa kale ee aaminay in lagaga adkaaday tartankii jacayl ee ay rag kale dumar kula tartamayeen.

Iyadoo ay jirtay in guuldarradu aaney saameyn sidaas ku yeelan kalsoonida raggii u qaatay iney guuldarreysteen ayaa hadana kuwii islahaa waad guuleysateen uu saameyn weyn ku yeeshay dhinaca khusaysa soo jiidashada dumarka, iyadoo ay korortay 11.29% inuu aad ugu dhawaado dumarka qurxoon uuna raadsado.

Daraasado horey loo sameeyay ayaa muujinaya in hormoonka testosterone uu hoos u dhaco ragga xaaslayaasha ah ama kuwa caruurta leh, arrintaas oo sii adkeysa xiriirka guurka khiyaanada ka horistaagta.

Natiijada daraasaddan dhawaan soo baxday ayaa tilmaameysa hormoonka testosterone  saamaynta nafsiyeed ee uu leeyahay, waxaa si fudud looga adkaan karaa inuu qofku u wareego guur degdeg ah arrintaas oo ka celinaysa inuu gogoldhaaf sameeyo noloshiisana si wanaagsan u xakameynaysa.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here