Xanuun Halis Ah Oo Soo Ritay Marwada Koowaad Ee Dalka Suuriya

0
736

Xanuun Halis Ah Oo Soo Ritay Marwada Koowaad Ee Dalka Suuriya

Haweenayda marwada koowaad ee dalka Suuriya ahna Xaaska madaxweynaha dalkaasi Bashar Al Asad laguna magacaabo Asma Asad ayaa waxa haleelay xanuunka kansarka ee Naasaha ku dhaca. Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee dalkaasi Suuriya ayaa lagu sheegay in Asma la dhigay Cisbitaal Millitari oo ku yaalla bannaanka magaalada Dimishiq kaasi oo lagaga daweynayo xanuunkaasi lagagana Jarayo fin nooca kansarka ah.

Asma Assad waa gabadh 42 jir ah waxa aanay ku dhalatay dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan waxa ay kasoo jeeddaa gobolka badhtamaha dalkaasi Suuriya ee la yidhaahdo Xumus. Asma Assad ayaa waxa aad loogu dhaleecayaa inay si weyn uga qeyb qaadatay dagaalka arxan darrada ah ee ninkeeda Bashar Al Assad uu ku xasuuqay malaayiin ruux oo reer Suuriya ah.

400 oo kun oo ruux oo ay xasuuqeen millitariga dalka Suuriya ayaa waxa la sheegay in ay gacan weyn ka geysatay iyada oo si joogto u caawin jirtay xubnaha militariga ah ee ku dhaawacma dagaallada iyo qoysaskoodaba. Asma Assad ayaa waxa la arkaa iyada oo si weyn uga qeyb qaadanaysa shirarka Assad uu uga hadlayo arrimaha amniga iyo awaamiirta dagaaleed.

Dad badan ayaa waxa ay ku tilmaameen in ay tahay mid ka mid ah dadka ugu naxariista daran ee ka qeyb qaadanayay dagaalka Sokeeye ee dalkaasi ka socda 7-dii sano ee u dambeeyay. Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa war qoraal oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xaaskiisa uu u rajaynayo in ay kasoo kabato xanuunkan haleelay, waxaana daawada loo bilaabay gelinkii dambe ee khamiistii shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here