Ruushka Oo Digniin Cusub Soo Saarey Iyo Dalka Ay Ku Socoto Digniintu

0
919

Moscow (DN):- Dowladda Ruushka ayaa sheegtay incuna-qabateyntii Mareykanku uu ku saaray Ruushka eedeynta la xiriirta sumeynta basaas hore oo Ruushka u shaqeyn jirey iyo gabadhiisa ay dib u dhac ku keeneyso horumaradii laga sameeyay wadahadalladii dhex maray madaxda labada dal.Dmitry Peskov, afhayeenka Aqalka Kremiling ee Ruushka looga arrimiyo oo warbaahinta la hadlayey, ayaa sheegay in go’aanka noocan ookale ah oo ay Mareykanku qaadaan uu yahay mid saaxiibtininmada labada dal xumeynaya.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cuna-qabeyntan cusub ku dhawaaqdey Arbacadi, iyada oo ku micneysay in ay jawaab u tahay weerarkii sumeynta ahaa ee lagula kacay Sergey Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah, kuwaas oo lagu sumeeyay dalka Britain bishii March ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here