Madaxweyne Trump Oo Doonaya In Uu Sameeyo Ciidan Aan Laga Filaneen Iyo Shaqada Ay Qaban Doonaan Ciidankaasi

0
679

USA (DN): Madaxweynaha Mareykanka oo raba in uu ciidan u sameeyo meel ka baxsan meeraha dhulkaCiidamada Jawiga sare: Ololaha 2020 ee Trump ayaa ka codsanaya taageerayaasha in ay u codeeyaan loogada astaanta u noqoneysa ciidankaasvUjeeddada uu Donald Trump ku qorsheynayo inlagu abuuro ciidanka Jawiga sare ee hawada wali lama hir gelinnin, balse masuuliyiinta ololihiisa ayaa rajeynaya in arrintaasi ay dalka u kordhin doonto awood dheeraad ah oo xagga dagaalka ah.Agaasimaha ololaha dib u soo doorashada Trump ee sannadka 2010-ka Brad Parscale ayaa maalintii talaadada ahayd farriin email ah u diray taageerayaasha isagoo ka codsaday in ay u codeeyaan loogada astaanta u noqoneysa ciidamada jawiga sare ee hawadataasoo goor dambe la iib geyb doonto.Farriinta email-ka ah ayaa timid xilli madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence uu kasoo hor muuqday golaha waaxda gaashaan dhigga ee Pentagon-ka si uu sharraxaad uga bixiyo soo jeedinta ku saabsan ciidamada jawiga sare ee hawada.Dadka isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa si dhakhso ah qoraallo ugasoo bandhigay sheekada la xiriirta fikraddaan ku aadan laanta cusub ee Milatariga.”Madxweyne Trump waxa uu doonayaa dhismaha CIIDANKA JAWIGA SARE – war weynoo muhiim u ah mustaqbalka America iyo jiidaha hore ee dagaalka,” akhriso email-ka ka soo baxay kooxda ololaha Trump.”innagoo u dabbaal dageyna dhawaaqa weyn ee kasoo yeeray madaxweyne Trump, ololeheennu waxa uu iibin doonaa qeyb cusub oo ku saabsan qorshaha.”Mr Parscale ayaa ka dib ka codsaday taageerayaasha in ay kala xushaan lix loogo oo astaanta ciidankaas ah, kuwaasoo mid ka mid ahna ay ku qorantahay jumladda:”Meeraha Maris ayaa sugaya”Haddii uu Trump ku guuleysto barnaamijkaan, ciidamadaas ayaa noqon doona laantii lixaad ee Milatariga Mareykanka oo markii hore ka koobneyd waaxda dhulka, cirka, badda, ciidanka ilaalada xeebaha iyo ciidamada mariiniska ee kumaandooska ah.Dad badan oo arrimaha milatariga falanqeeya ayaa su’aalo ka keenay waxa ay soo kordhin karto in la sameeyo ciidan ka howl gala jawigasare, waxaana qaarkood ay is weydiiyeen waxa halkaas laga difaacayo.Waxaa xitaa walaac laga muujinayaa kharashka faraha badan ee uu kusii kordhin doono miisaaniyadda lacageed eek u baxda ciidanka.Hase ahaatee madaxweyne Trump ayaa mararbadan ku cel celiyay muhiimadda uu leeyahay ololahaan iyo sida uu dadaalka ugu bixin doono hir gelintiisa.In laan cusub lagu soo kordhiyo waaxda milatariga Mareykanka waxa ay u baahnaan doontaa ansixinta aqalka congress-ka, waxaana hadda socota dood ku saabsan arrintaas.Dadka qorshahaan aan la dhacsaneyn waxa ayaaminsanyihiin in howlaha laga qaban lahaa jawiga sare ee hawada ay horayba u dabooleeh ciidanka cirka.Sarkaal howl gab ah oo ka tirsanaan jiray hay’adda ammaanka qaran ee Mareykanka(NASA) ayaa telefishinka CNN-kau sheegay in waqtigaan waxa ugu weyn ee ku haboon in diiradda la saaro ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad galyada dhinaca internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here