Markab Xoolo nool siday oo Sacuudiga dib u soo celiyay oo ku soo wajahan Dekeda Boosaaso

0
662

Markab Xoolo nool siday oo Sacuudiga dib u soo celiyay oo ku soo wajahan Dekeda Boosaaso

Markab Xoolo sida oo laga soo celiyay Sacuudiga ayaa saacadaha soo socda ku soo wajahan Dekeda Boosaaso ee Gobolka Bari, halkaasoo maalmo ka hor uu ka shiraacday.

Markabkan oo lagu magacaabo Alpha ayaa sida 28,000 oo neef ari ah, waxaana uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Puntland C/llaahi Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyay in Sacuudiga ay dib u soo celiyeen Markabka sida xoolaha ariga

“Markabkan waa la soo celiyay, wuxuuna ku soo wajahan yahay Dekeda Boosaaso, oo maalin dhoweyd uu ka shiraacday, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaa aaminsanahay in aanu jirin warkaas”ayuu yiri Wasiirk Xanaanada Xoolaha oo la hadlayay idaacada BBC-da

Sacuudiga ayaa weli si rasmi uga hadlin sababta ka dambeysa dib u soo celinta Markabka Xoolaha sida oo ahaa kuwo loogu tala galay Ciidul Adxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in dib loo fasaxay xayiraadii Xoolaha ay saartay Sacuudiga, mana jirto war ay ka soo saartay tallaabada ay Sacuudiga u soo celisay Xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here