Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Khartoum

0
681

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Khartoum

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, halkaasoo ay uga qayb galayaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo kuxigeenkiisii hore Riek Machar.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha Khartoum ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay.

Dowladda Sudan oo qaban qaabineysay shirkan ayaa todobaad ka hor casuumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa saacadihii u dambeeyay ka baaqday safarka, iyadoo la shaaciyay liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, waxaana uu go’aansaday inuu diro Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here