Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0
897

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay waxaana soo gaaray burbur xoog leh iyadoo sidoo kale burbur uu gaaray dhismooyinka ku dhow dhow.

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed iyo saraakiil kale ayaa gaartay goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana la xirey wadada Maka Al Mukarama gaar ahaan int au dhexeysa isgoyska Dabka iyo k4.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here