Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya: “Waa sharci daro faragalinta fedaraalka’

0
723

Wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay qalad ahayd in militariga fedaraalka ay soo faragaliyaan galaan magalada Jigjiga.Idiriis Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Fedaraalka marka dastuurka la eego ay soo gali karaan oo kali ah markaay dowladda deegaanka codsato.Mar ay BBC wax ka waydiisay in ay damacsanaayeen in ay Itoobiya inteeda kale ka go’aan ka hor faragalinta militari ayaa waxa uu sheegay in nidaamka federaalka ay u hoggaansan yihiin.Balse waxaa uu sheegay in dastuurka u oggol yahay inay “go’i karaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here