Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Xaaladda Magaalada Jigjiga Iyo Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Dawlad Deegaanka Oo La Xidhay + Halkee Ayuu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar?

0
949

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Xaaladda Magaalada Jigjiga Iyo Qaar Kamid Ah Mas’uuliyiinta Dawlad Deegaanka Oo La Xidhay + Halkee Ayuu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar?

Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada milatariga ah ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Xubno ka mid ah milatariga Itoobiya ayaa u sheegay wargeyska Adis Standard ee ka soo baxa Adis ababa in mas’uuliyiinta xabsiga la dhigay lagu heysto in ay ka dambeeyeen kacdoonkii shalay ay sameeyeen dhallinyarada magaalada Jigjiga ee sababay dhaca iyo boobka.

Ilaha la hadlay Adis Standard waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar la gelin doono xabsi ay leeyihiin ciidanka federaalka islamarkaana muuqaal kooban oo shalay gelinkii dambe laga duubay ay ka duubeen milatariga Itoobiya.

Xadhigga Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay in laga hortago dhiig kale oo ku daata magaalada Jigjiga iyo degaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Rabshadihii shalay dhacay kaddib dowladda dhexe ayaa u yeertay Cabdi Maxamuud Cumar waa uu diiday waxaana uu ku hanjabay in uu jibinayo qodobka 39aad ee dastuurka dalka Itoobiya.

Waxaa kale oo qofka la hadlay Adis Standard uu sheegay in ciidamada Liyuu Booliska qaarkood xabsiga la dhigay kaddib markii ay ka amar qaadan waayeen Madaxweynaha dowlad degaanka.
Wararku waxa ay ayaa sheegaya in saaka jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.

Ciidammada oo raxan raxan u socda ayaa gaaf-wareegaya guud ahaanba magaaladda, waxaana la sheegay in intooda badan ciidammada-ni yihiin Soomaali.

 

Halkan hoose ka DAAWO wararkii ugu dambeeyay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here