Mareykanka Oo Sheegay Inuu Cunaqabateyn Kusoo Rogayo Dal Muslim Ah + [ Waa Dalkee ]

0
671

USA (DN):-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay cunaqabateyn kusoo rogeyso dalka Turkiga oo xubin ka ah gashaan buurta NATO. Madaxweynaha Turkiga Rajab Teyib Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka Mareykanka ee ah inay cunaqabateynayaan dalkiisa.Arrintan ayaa timid kadib markii maxkamad ku taala dalka Turkiga ay diiday inay sii deyso baadari Mareykan ah oo lagu magacaabo Andrew Brunson, kaasi oo lagu edeeyay inuu taageero u fidiyay kooxihii ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.Baadarigan oo muddo laba sano ah xabsiga ku jiray ayaa beeniyaya inuu wax khalad ah sameeyay.Mareykanka ayaa sheegay in cunaqabteynta ay si gaar ah ula beegsanayaan waaxda cadaaladda ee dalka Turkiga iyo wasaaradda arrimaah gudaha.Madaxda dalka Turkiga oo ka jawaabaya hadalka ka soo yeeray Trump ayaa sheegay in haddii Mareykanka uu ka firsan waayo hab dhaqankiisa uu lumin doono saaxiib dhab ah.Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu sheegay inqaabka dowladda Turkiga ay ula dhaqantay baadariga ay tahay mid aan la aqbali karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here