Ra’iisul Wasaraaha New Zealand Oo Fasixii Umusha Ka Soo Laabatay

0
790

New Zealand (DN):- Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa ku soo laabatay shaqada ka dib lix toddobaad oo ay ku maqnayd fasaxa umusha Ardern oo 38 jir ah ayaa curatay bishii Juunyo, arrintaas oo ka dhigtay hogaamiyihii labaad ee abid umusha iyadoo xilka haysta.Sabtidiina waxay soo duubtay muuqaal ay Facebook soo dhigtay oo ay uga hadlayso waxaay qaban doonto toddobaadka ugu horreeya eexafiiska.Ardern intii ay fasaxa ku maqnayd waxay xilkaku wareejisay ku xigeenkeeda Winston Peters.”Waxaan diiradda saarayaa in aan shaqada si toos ah ugu laabto” ayay ka tidhi muuqaalka tooska ah ee Facebook ka soo gashay.Bishii Juunyo 21 ayay dhashay curadeeda Neve Gayford, afar maalmood ka dib markii la saadaaliyay in ay dhali doonto.Ra’iisulwasaaraha ayaa sii wadday in ay akhrido xogta golaha wasiirrada iyadoo fasax ku maqan, waxaana lagala tashaday arrimo muhiim ah.Ardern ayaa la doortay bishii Oktoobar, bishii Janaayo ayaana la shaaciyay in iyada iyo ninkeeda Clarke Gayford ay ilmo rajaynayaan.”Ma ihi qoftii koobaad ee arrimo badan isku qabata, mana ihi haweenaydii ugu horaysay ee shaqaysa iyadoo ilmo haysata, waxaa jira dumar badan oo sidaa horay u sameeyay,” ayay tiri wakhtigaas.Ra’iisulwasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa dhashay sannadkii 1990 iyadoo xilka haysa, waxayna noqotay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee umusha iyadoo la soo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here