Sababta Roobku u Leeyahay Neecow Udgoon oo Soojiidasho Badan

0
702

Sababta Roobku u Leeyahay Neecow Udgoon oo Soojiidasho Badan

Khubaro Australia u dhashay ayaa daahrogay sababta dhabta ah ee ka dambeysa udgoonka neecawda macaan ee roobka la socota, gaar ahaan goobaha cagaaran ee dhirtu ku badan tahay.

Khubaradan oo ka tirsan xarunta “John Innes” ee cilmi-baarista ayaa tilmaamay in uduggu uu ka dhasho natiijo bakteeriyo gaar ah oo dhulka qalalan ka kacaysa marka uu roobku soo da’o, taas oo sameynaysa udgoonkan gaarka ah, udgoonkan ayaa loo yaqaannaa “Petrichor“, muddo badanna waxaa ku wareersanaa culumada-sayniska iyo khubarada cadar(barafuunka) sameeya, soo jiidashadeeda dheeraadka ahna la yaabanaa.

Marka uu roobku taabto dhulka qalalan, waxaa sameysmaya lakab Chemical compound ah kaas oo ay sameynayso nooca bakteeriyada ee ku faafsan dhulka dushiisa loona yaqaanno “Streptomyces“. Sidaa awgeed neecawda macaan ee xilliga uu roobku soo da’ayo waxey ka dhalataa lakabkaa kiimikeed ee bakteeriyadu ay sameyso loona yaqaanno “geosmin“.

Waxaa sidoo kale xiiso leh, in noocan bakteeriyada ah loo adeegsado daawooyinka antibiotic-ka ah qaarkood oo si aad ah loogu iibiyo farmashiyeyaasha. halka lakabka geosmin, loo adeegsado sameynta barafuunka.

Haddii aan dhanka kale eegno, neecawoda roobka ee gobollada dhirta iyo cagaar ku badan yahay, waxaa udgoonka cajiibka ah ugu wacan waa isla lakabka geosmin oo markan ka dhalanaya gudaha dhirta cagaaran dhibcaha roobka ee ku soo da’ya darteed.

Isku soo duube, lakabka “geosmin” ee dhirta cagaaran ka soo baxa ayaa ka soo jiidasho badan kan dhulka ingagan, waa udugga la socda neecowda roobka.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here