Digniin culus oo laga soo saaray ilmaha aan si dhaqso ah naaska loo nuujin

0
795

Digniin culus oo laga soo saaray ilmaha aan si dhaqso ah naaska loo nuujin

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in carruur tiradoodu ay gaarayso 78 malyan inay sanad walba marka ay dhashaan  qatar u galaan inay dhintaan saacadaha ugu horeeya noloshooda sababo la xiriira iyadoo aan naaska hooyada la nuujin.

Sida lagu daabacay warbixintan labo kamid ah shantii carruur ah ee dhalata ayaa si dhaqso ah hooyadu ay u jaqsiisaa naaska.

Warbixin cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa lagu soo beegay  toddobaadka naas nuujinta caalamka oo laga xusayo illaa 76 wadan oo daqligoodu yahay mid dhexdhexaad ah amaba mid hooseeya.

Halka warbixintan lagu shaaciyay in dalalka Bariga Asia iyo Pacifica aysan hooyooyinku si dhaqso ah dambarta u siin carruurtooda marka loo eego dalalka ku yaal Bariga iyo Koofurta Afrika.

“Marka ay timaado bilowga naasnuujinta,waqtiga waa mid muhiim u ah, dalal badan waxay noqon kartaa arrin dhimasho iyo nololba u ah.”ayay tiri Henrietta Fore Agaasimaha  Guud ee hay’ada UNICEF.

“Sanad walba, malaayiin carruur ah ayaa waaya faa’idooyinka laga helo naasnuujinta waqtiga hore,sababahuna waa kuwo badanaaba la bedeli karo. Hooyooyinka ayaan helin taageero ku filan daqiiqadaha ugu muhiimsan kadib marka ay umulaan xitaa shaqaalaha jooga goobaha caafimaadka ma caawiyaan.”ayay sii raacisay.

Baaritaano hore loo sameeyay ayaa lagu sheegay in naasnuujinta oo dib loo dhigo  labo illaa 23 saacadood ay kordhiso boqolkiiba 33,halista ay carruurta ugu jiraan inay geeriyoodaan. Balse waxaa labo jibaar ka sii daran kuwa naaska la nuujiyo maalin ama labo maalmood kadib marka ay dhashaan.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in sababaha ugu waaweyn ee ilmaha marka ay dhashaan aan la jaqsiin naaska inay ka mid tahay iyadoo dibada lagu daadiyo caanaha dambarta oo hooyada laga liso isla markaana ilmihii u baahnaa lagu anqariyo biyo iyo sokor.

Dambar ayaa  la yiraahdaa caanaha  ugu horeeya ee naaska hooyada waxayna mararka qaarkood ay noqon karaan talaalka ugu horeeya  ee carruurtu ay qaataan kuwaasoo ku qani ah  nafaqo.

“Naas-nuujintu waxa ay carruurta ka helaan nolosha ugu wanaagsan ee ay u baahan yihiin”ayuu yiri Agaasimaha guud ee hay’ada caafimaadka adduunka  WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Warbixintan ayay hay’adaha UNICEF iyo WHO waxa ay ugu baaqeen dalalka caalamka inay qaadaan talaabooyin sharci ah oo loogaga hortagayo suuq geynta caanaha gasacadeysan.

Haya’da Sanduuqa Badbaadada Carruurta UNICEF ayaa ku talisay in caruurta si aan kala go’ lahayn naaska hooyada loo nuujiyaa lixda bilood ee ugu horeysa,iyadoo xilligaa kadib la siin karo ilmaha cabitaan iyo cuntooyinka qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here