BBC-da Oo Raali Galin Ka Bixisay Waraysi Ay Ka Qaadey Maxbuus Ku Jiray Jeel Ogaadeen + [ Sababta

0
1061

Waxaa laanta af Soomaaliga eeBBC soo gaadhay cabasho la xidhiidha dood ku saabsanayd tacaddiyo ay Hay’adda Human Rights Watch sheegtay inay ka dhaceen xabsiga Dhexe ee Jigjiga (“Jeel Ogaadeen”) ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, taas oo baxday taariikhdu markay ahayd 6 July 2018.Cabashadu waxay ahayd, in uu doodda ka qeybqaatay nin horey maxabuus u ahaa, kaas oo la sheegay in la qasbay, arrintaas oo la sheegay inay halis gelisay noolashiisa.BBC-du waxay ku dadaashaa inay si buuxda u raacdo xeerarka saxaafadeed ee ay dhigatay,kuwaas oo ay ugu muhimsan yihiin xaqiiqada, dhexhdexaadnimada, madaxbanaanida iyo caddaaladda.Dantanadu waxay tahay in aan dhageystayaasha u gudbino doodo macquul ah oo dadka wax u soo kordhiya.Markay cabashada na soo gaadhtay, tafatirayaasha laanta iyo mas’uuliyiinta BBC-da waxay dib-u-eegid ku sameeyeen barnaamijka laga cawday, waxaana nasiib darro ah inaan ogaanay in howlwadeennaadii maalintaas aanay raacin habdhaqanka laanta Af Soomaaliga ee BBC, waxaana la helay caddeymo muujinaaya in Muxumad Ani, oo doodda ka qeyb-qaatay uusan ku sugneyn xaalad uu si xor ah fikirkiisa uga dhiiban karay.Waxaan ku dadaalnaa inaan sameyno barnaamijyo ceeb ka saliimah, balse mararka qaar khalad wuu dhacaa, siiba marka la sameynayo barnaamijyo toos ah, oo ay ka qeyb-qaatayaasha qaar ay waddamo kala duwan joogaan.Marka uu khalad dhaco, sida tan oo kale, waancudur-daarannaa, cashar ayaanan ka barannaa. Haatan barnaamijkaas baraheenna internetka iyo bulshada waan ka saarnay, waxaanan la hadalnay soo saarayaashii ku howlanaa arrinkan.Waxaan sidoo kale dib-u-eegid ku sameyn doonnaa xilliyada ay macquulka tahay in lala hadlo dadka ku hoos nool maammullada lagu eedeeyo xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.Sidaas darteed, waxaan cudur-daar u gudbineynaa Muxumed Cabdullaahi Guuleed (Muxumed Anni), qoyskiisa, qaraabadiisa, saaxibbadii iyo dhammaan dhegeystayaasha Laanta Af Soomaaliga ee BBC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here