Kulan ka dhacay Casmara ayaa waxaa isku arkay madaxweyne Farmaajo iyo Admiral Maxamed Cumar Cusmaan

0
736

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka ugu sareeya jabhadda xoreynta Ogaden ama ONLF.Isaga oo ku sugan magaalada Casmara, qeybna ka ah wegtiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu wasiirka sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan horey loosii qorsheynin, wuxuuna yiri”Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree e ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”.Hadalka wasiirka ayaa soo baxay xilli warbaahinta Soomaalida ay aad u tabinayso war ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay dhiibistii dowladda Soomaaliya ay tan Itoobiya u dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sargaal sare oo ONLF ka tirsan, markii dambena dowladda Itoobiya ay xabsiga kasoo daysay.Wasiirka ma uusan xaqiijinin arrinkaas, balse waxa uu qiray in arrimaha Qalbi Dhagax la’isla soo hadal qaaday.*.Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax*.Qalbi Dhagax iyo Qiraalkii uu bixiyay*.Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo sawir kasoo muuqdayWaxa uu kale oo uu ka hadlay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo hoggaanka saree e ONLF “Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dabeysha dabadeed ee gobolka ka socota, dowladda Itoobiya qaabka ay wadahadalada ula galayaan waa wax ay iyaga u madax banaanyihiin, balse dowladda Soomaaliya waxa ay xiisaynaysaa in gobolka uu noqdo mid amni ah”.Dowladda Soomaaliya iyo ONLFGuddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa idaacada VOA u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax.Wasiir Daahir Geelle oo aan wax ka weeydiinay waxa kulanka xilligan kusoo beegay, iyo in ay Itoobiya uga daydeen, ayaa beeniyay arrinkaas, wuxuuna sheegayin baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor yimid go’aankii xukuumadda federaalka ay ururka ONLF ugu dartay liiska argagixisada , go’aankaasna uu aad uga horeeyay xilligii ay isbadala ka dhaceen Itoobiya, baarlamaanka Itoobiyana uu liiska argagixisada ka saaray ONLF.Kani waxa uu noqanayaa kulankii ugu horeeyay oo rasmi ah oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Jabhadda ONLF oo muddo aad u dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya tan iyo intii sanadkii horego’aan ay soo saareen golaha xukuumadda federaalka ay jabhadan ku tilmaameen ururArgagixiso, islamarkaasna taageereen in Cabdikariim Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladdaItoobiya, iyada oo wasiirkii warfaafinta xilligaas Cabdiraxmaan Yariisoow uu sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Alshabaab.Balse baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsaday go’aankaas, waxaana taageeray madaxweyne Farmaajo oo BBC-da markii ugu horeysay u xaqiijiyay in uu waafaqsanyahay go’aanka baarlamaanka.Kadib isbedelo ka dhacay dalka Itoobiya, baarlamaanka dalkaas ayaa liiska argagixisada ka saaray ONLF, iyada oo Ra’isulwasaare Dr Abiy uu jabhadda ugu baaqay in ay miiska wadahalada yimaadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here