Maxkamad ku taala Itoobiya ayaa xabsi dheer u dirtay nin lagu qabtay haragga 10 shabeel

0
804

Dalka Itoobiya maxkamad ku taalla ayaa ninku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xarig ah kadib markii lagu heley isaga oo wata haragga 10 shabeel oo laga yaabo in uu ugaarsaday.Ninkan oo magaciisu yahay Caliyoow Kaasoow Xuseen ayaa sidoo kale lagu heley isaga oo wata xubno shabeel.Booliiska gobolka Oromiya ayaanan kala caddeyn in ninkan uu isaga shabeelada soo dilay iyo in kale.Waxaa la sheegay in muddada xabsiga ay intaas ka badan lahayd haddii lagu caddeyn lahaa in uu isaga yahay kan dilay shabeelada.Noocan ugaarsiga ah waa wax iska caadi ah dalka Itoobiya, dowladdana aad ayay ula tacaashaa in ay ka hor tagto.Zelalem Tedera oo ka tirsan hay’ad u dooddaxuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in ugaarsiga aanan ruqsadda loo heysanin uu mamnuuc ka yahay Itoobiya, balse dhawaanahan ay aad usoo badanayaan dadka xayawaanka ugaarsada.”Dhibka kama jiro sharciga, ee waxa uu ka jiraa dhaqangalintiisa” ayuu yiri Tefera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here