Isticmaalka Mobile-ka ee Gudaha Fasalka oo Wiiqda Gudashada Ardayga ee Imtixaanka Kama Dambeysta Ah

0
805

Isticmaalka Mobile-ka ee Gudaha Fasalka oo Wiiqda Gudashada Ardayga ee Imtixaanka Kama Dambeysta Ah

Isticmaalka mobile-ka gudaha fasalka xilliga xiisaddu ay socoto oo wiiqda gudashada ardayga ee imtixaanka kama dambeysta ah ee gabagabada sanad-dugsiyeedka.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaaamcadda “Rutgers” ee dalka Mareykanka, ayaa sameeyay tijaabo fasal waxbarasho oo ay dhigtaan 118 arday oo ka tirsan ardayda cilmi-nafsiga garashada barata.

Ardaydan ayaa loo qeybiyay qeyb mobile-ka ku mashquulsan iyo kuwa casharka un xoogga saara. Cilmi-baaryaashu waxey heleen in adeegsiga qalabka electroonigga ah xilliga muxaadarada waxey ardayda ku riixi kartaa iney heleen darajooyin ka hooseeya dhammaadka fasalka 5% ardayda kale.

Sida uu qoray website-ka “Daily Mail” ee gudaha dalka Ingiriiska ka soo baxa, daraasaddan ayaa lagu faafiyay joornaalka ka faallooda cilmi-nafsiga ee “Educational psychology“, waxaa natiijada daraasaddan laga ogaaday in adeegsiga mobile-ka uu saameyn waqti dheer ah uu ku yeelsho aqoonta ardayga ee waqtiga dheer, ardayda tijaabadan ku jirtay ayaa kala bar muxaadaraadka loo ogolaaday iney isticmaalaan qalabkooda electroonigga ah halka qeybta labaad ee muxaadarada loo diiday iney isticmaalaan wax qalab electronig ah.

Ardaydii ayaa hadna mar labaad isla macallinkii uu u soo jeediyay isla muxaadaradii, waxaa la arkay in mobile-ku aanuu saameyn fahamka ardayga ee laakiin uu saameeyay ku yeesho garashada ardayga ee mudada fog. Arrinta fiirada gaarka ah lahayd waxey tahay in adeegsiga teknoolojiyada gudaha fasalka uu halleeyo deegaanka waxbarasho guud ahaan, xitaa ardayga kale ee aan mobile-ka isticmaaleyn ayey saameynaysaa.

Cilmi-baaraha la yiraahdo “Arnold Glass” ayaa sheegay in natiijadan la gaaray ay waajib ka dhigeyso in ardayda iyo macallimiinta dadaalka badan lagu baraarug sanaado in mobile-ku uu  dhibaato u keeno xilliga imtixaanka kama dambeysta ah oo ardaygu uu is arkayo isagoo qeyrkii ka hooseeya oo ka haray. waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in macallimiinta ay waajib ku tahay iney ardaydooda kala taliyaan dhibaatada burburinta leh ee qalabkaasi uu leeyahay, si ay u xafidtaan wixii ay dhigteen mudada dheer.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here