Shil Ka Dhacay Dalka Fiyetnaam Oo ay Ku Geeriyoodeen 13 Qof Oo Uu Ku Jiray Nin Aroos Ahaa

0
932

Shil Ka Dhacay Dalka Fiyetnaam Oo ay Ku Geeriyoodeen 13 Qof Oo Uu Ku Jiray Nin Aroos Ahaa

Wargeyska VnExpress ee ka soo baxa dalkaasi waxa uu maanta qoray in shilkaasi oo saakayto ka dhacay Bartamaha dalkaasi ay ku geeriyoodeen 13 qof oo uu ku jiray Nin Aroos ah iyo qaraabadiisa, halka ay 4 kalena ku dhaawacmeen.

Gaari Bas oo ay la socdeen Caruuska iyo qaar ka mid ah Qoyskiisa ayaa waxa uu ku dhacay Gaari Xamuul, taasi oo keentay dhimasho badan oo soo gaartay dadkii la socday Baska.

Dareewalkii waday gaariga Xamuulka waxaa la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus.

Caruuska ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Hoyga Haweeneyda uu guursan lahaa, si uu ugu soo qaado Hoygii Aqal-galkooda.

Ma kala cadda waxa sababay shilkaasi, waxayna Boliska ku hawlan yihiin Baaritaanka Shilkaasi.

Dalka Fiyetnaam waxaa la sheegaa inay ku badan yihiin shilalka gaadiidka, iyadoo ay in ka badan 8,200 oo qof ay sannad kasta ku geeriyodaan shilalka ka dhaca dalkaasi, sida ay sheegtay Hay’adda Qaranka ee Ammaanka Waddooyinka ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here