Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe Xalay Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Madaxtooyadda Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

0
908

Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe Xalay Kulan Qarsoodi Ah Ku Yeeshay Madaxtooyadda Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay Madaxtooyadda kula kulmay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo toddobaadkan kula gaar ah kula soo qaatay Magaalada Brussels ee dalka Beljenka Madaxweynaha Xukuumadda Xamar Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Warar lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu ka heshay ilo ka ag dhow Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sheegay in kulankaas dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ahaa mid albaabadu u xidhan yahay, isla markaana waxay labada masuul iska laab-xaadheen qardoofadii todobaadkan dhexmartay, iyadoo intaa ay xogguhuu Ku dareen in Madaxweyne Muuse Biixi raaligelin siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, kasoo ka raaligeliyey weedhihii uu todobaadkii hore Madaxweyne Muuse Biixi hawada u mariyey Faysal, kuwasoo uu Ku sheegay inaanay waxba kala socon safarkiisi uu kula soo kulmay Madaxweynaha Xukuumada Somalia Farmaajo.

Hadalkaas oo sida la sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ugu micneeyey inuu uga Dan lahaa inuu dadka Ku dejinaayey.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal ka dalbaday inuu halkii kasii wado wadashaqayntii Xukuumadiisa iyo isagga, isla markaana uu kala shaqeeyo sidii doorashada Baarlaanka iyo golayaasha deegaanka loo qaban lahaa.

Dhimaca kale, Faysal Cali Waraabe ayaa isna aqbalay raligelinta Madaxweyne Muuse Biixi usoo jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inuu laban-laabi doono wada shaqayntii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo isagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here