Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israa’iil oo isu casilay sharci dhawaan la ansixiyay dartiis

0
691

Xildhibaan carab ah oo ka tirsan baarlamaanka Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu ka carooday sharci ay meel mariyeen xubnaha baarlamaanka oodhigaya in Israa’iil ay tahay qaran ay leeyihiin dadka Yuhuudda.Zouheir Bahloul, 67 jir ah ayaa ku tilmaamay xubnaha baarlamaanka Israa’iil cunsuriyiiin dhibaata gaysanaya oo ansixiyay sharci kasoo horjeedo in luqadda Carabiga ay ahaato luqadda rasmiga ah ee Israa’iil.Wuxuu u sheegay telefishinka Israa’iil ee Reshet in sharcigan uu bulshada carabta kasaaraya xaqii ay ku lahaayeen Israa’iil.Hindise-sharciyeedka ay qalinka ku duugeen baarlamaanka Israa’iil waxaa caro iyo dibadbax ka muujiyay bulshada carabta laga tiro badan yahay ee halkaasi ku sugan.Sidoo kale xubnaha baarlamaanka carabta ee Israa’iil ayaa jeexjeexay hindise sharciyeedka, waxayna ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan sharcigan ka hor inta aananlaga saarin kalfadhiga.Bahloul wuxuu yiri ” waxaan iska casilaya xilkayga xildhibaanimo sababtoo ah uma dulqaadan karo in aan halkan sii fadhiyo intii aan u codayn lahaa cunsurinimo iyo in aan taageero baarlamaan mintid ah”Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa’iil”Israa’iil waxay weerar ku qaadday Suuriya” TV-ga SuuriyaKaddib markii la meel mariyay sharciga muranka dhaliyay, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay mid xoojinaya jiritaanka iyo taarikhda dalkiisa.Bulshada carabta ee Israa’iil ayaa u arkaa sharcigan inuu yahay bahddil ka dhan ah sharaftooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here