Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garowe+SAWIRO

0
729

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garowe+SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, xubno ka tirsan Maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Garowe, iyadoo sawirada la suray waddooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay madaxtooyada Puntland, halkaasoo kulamo kula qaadan doonaan Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa, waxaana labada dhinac qaban doonaan shir jaraa’id.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Garowe ayaa dhowr arrimood ku saabsan, sida ka qeyb galka sanad-guurada 20aad ee aas aaska Puntland, dhagax dhigga mashaariicyo laga fulinayo Puntland iyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo ka dhici doona Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here