Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Garowe+SABABTA

0
792

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Garowe+SABABTA

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Sida wararku sheegayaan qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa ka socota Garowe, iyadoo sawirka Ra’iisul Wasaaraha la suray waddooyinka faras-magaalaha Garowe.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Garowe ayaa noqon doonta tii u horeysay ee uu ku tagayo Puntland, tan iyo intii loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaarenimada sanad ka hor.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaraha uu u gudbi doono magaalooyin ka mid ah Puntland.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana magaalada ka socda howl gallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here