DAAWO SAWIRADA : “Dayax Madoobaadkii” Ugu Waqtiga Dheeraa Qarniga 21aad oo Dunida Laga Daawaday

0
937

DAAWO SAWIRADA : “Dayax Madoobaadkii” Ugu Waqtiga Dheeraa Qarniga 21aad oo Dunida Laga Daawaday

Habeennimadii xalay waxaa magaalada Muqdisho, guud ahaan dalka Soomaaliya iyo meelo badan oo dunida ka tirsan laga arkay dayax madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa Qarnigan 21aad.

Sida Saynisyahannada ay sheegayaan Dayaxa iyo dhulka ayaa isku beegmay arrintaas oo keentay in dhulku uu iftiinkii qorraxda ka qariyo dayaxa.

Waxaa sidoo kale xalay la arki karay, oo dadbadan aaney ku baraarugsaneyn, meerayaasha qaar oo ay ishu qaban kartay.

Dayaxa ayaa muddo ku dhow 4-saacadood si dhammeystiran iyo si aan dhammeystirneyn u madoobaaday, midabkiisana uu casaan isku bedelay.

Dayax madoobaadkii ugu mudada gaabnaa waxa uu ahaa 4 April 2005, mudadiisu waxey ahayd 4 daqiiqo iyo 48 ilbiqsi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkan Guji oo Akhriso Warbixin 24 bishan aan ka qornay isla dhacdadan

 

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here