Aqoonyahankii Iyo Dhalinyaradii Ugu Badnayd Ee Reer Somaliland Ah Oo Bilihii U Dambeeyay Ku Sii Qul Qulaya Muqdisho

0
764

Hargeysa (DN):- Aqoonyahankii iyo Dhalinyaradii ugubadnayd ee reer Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay ku sii qul qulaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Maamulka Soomaaliya eeaynu jaarka nahay waxaanay arintani wal waliyo walaac ku abuurtay guud ahaan Shacabka reer Somaliland gaar ahaan dadka xog ogaalka u ah arintani kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugaga hadlay Baraha Bulshadu ku xidhiidho dhacdadani, iyagoo dadkaasi qaarkood la soo sheegay xilal durba loo dhiibay.Dhalinayaro Aqoonyahano ah oo ka qalin jabiyay Jaamacadaha Dalka,Qaar xirfadlay ahiyo Profisooro jaamacadaha Somaliland wax ka dhigayay iyo sidoo kale kooxo kale ayaa Lixdii bilood ee u dambeeyay ku sii qul qulayay Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya waxaanay arintani hadal hayn badan,doodo iyofalanqayno ka dhex abuurtay Dhalinayarada iyadoo si wayn Mudooyinkan dambeeyay loogu qaadaa dhigayay Goobaha la iskugu yimaado ee lagu shaaheeyo ee Magaalada Hargeysa iyo sidoo kale Baraha bulshada ku xidhiidho,waxaanay arintaasi wal wal iyo walaac weyn ku abuurtay inta badan dadka la socda dagaalka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku baadi goobayso inay caalamka tusto inay Somaliland ka mid tahay dadkeeduna jecel yihiin oo ay la joogaan.Lama garanayo inay arintani la xidhiidho dagaalka Diblomaasiyadeed ee uu maamulka Madaxweyne Farmajo muddadii uu Xilka hayay ku bartilmaameedsanayay Somaliland iyo in kale, balse waxa lasoo sheegayaa in qaybo ka tirsan Kooxahani ay durba shaqooyin ka heleen Dawladda oo xilal culus loo dhiibay,Waxaana loo malaynayaa inay dadkaasi markii hore qorshe miidaansan oo gacan haadin ah ku tageen Muqdisho oo aanayiska dhaqaajin. Halka sidoo kale loo sibirsaarayo inay dadkani Reer Somaliland ee Xamar tagay oo u badan dhalinyaro ka qalin jabisay Jaamacadaha dalku ay uga yaaceen dalka niyad jab ay ka qaadeen Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye oo rajo xumo iyo nacayb xaga Nidaamka dawlada ah ku abuuray Shacabka,halka Xukuumadda hadda jirtaa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaweyne MuuseBiixi aanay wali muujin Qorshe la taaban karo oo sii xoojinaya Rajadii shacabku ka qabay Xukuumaddiisa,waxaanay arintaasi keentay inay dadku rajo la’aan awgeed uga yaaceen dalka islamarkaana ay naftooda ula yaacaan dhinaca Maamulka Farmaajo oo Cadaawad guun ah u muujiyay Somaliland islamarkaana dagaal cad ku haya,kana hortagaya inay Somaliland noqoto dal ka madax bannaan Soomaaliya.Waxaa ugu dambeeyay dadkaasi Xamar ka degay ee Reer Somaliland Prof Cabdilaahi Odawaa oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa kaasi oo ay Dawladda Xamar u magacawday Safiirka Dalka Kuwait ufadhiya Soomaaliya. Waxa uu tagitaanka Macalinkani dood culus ka dhex abuuray Ardaydii uu wax udhigayay,kuwaasi oo siyaabokala duwan ugaga hadlay baraha bulshada Sababta uu Macalinkani u door biday inuu Dawladda Xamar oo dagaal diblomaasiyadeed Somaliland ka dhexeeyo uu xilka ugu doontay halka intooda badani ay u garaabeen islamarkaana ay u hoosta uga xariiqeen rajo la’aanta ay dhaxal siiyeen shacabka Xukuumaddihii ugu dambeeyay ee Somaliland ee Kulmiye kuwaasi oo dadka nacsiiyay dawladnimada islamarkaana ku abuuray rajo Xumo iyo inay aragti xun ka haystaan Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland.Mid ka mid ah Ardaydii uu Profisoorkani wax baray oo fikirkiisa kaga hadlay Barta uu Bulshada kala xidhiidho ayaa waxa uu yidhi”Cabdillaahi Odowaa,Waa macallinkayagii Jamacadda Hargeysa,Waxa u uu dhawaan noo dhigay kooraska Social Reseach. Ardayda diyaarisa Shahaadada Master-tu, aad bay u jecelyihiin. Natiijadii imtixaanka waxa uu noosoo dhejiyey maalin dhawayd,Ardayda badankoodu waxay keeneen Grade B iyo A, maadaama uu sifiican wax ugu gudbin jiray Ardayda. Waxa uu ahaa PhD candidate. Haddaba waxan maqlay in dawladda Somaliya umagacawday Safiir,Markaa Su’aashu waxa weeyi; dadkeenna aqoonta leh ma innaga ayaan ka faa’iidaysaneyn mise iyagaya ayaa dalku siduu u socdo ka niyad jabay? Mise waxay aaminsanyihiin in Soomaali la mideeyo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here