Qarax ka dhacay meel ku dhow safaarada Maraykanka ee magaalada Beijing

0
813

Qarax ka dhacay meel ku dhow safaarada Maraykanka ee magaalada Beijing

Wargeyska Global Times ee Shiinaha ayaa qoray inay Boliska qabteen Haweeney isku bilbishay Baasiin meel ku Safaaradda Maraykanka ku leeyahay caasimadda dalkaasi ee Bejing.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay qarax ka maqleen meel ku dhow Safaaraddaas, isla markaana ay gariir dareemeen.
Mid ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay 7 ilaa 8 gawaraida Boliska Shiinaha joogeen meel ku dhow Dhismaha Safaaradda Maraykanka.

REUTERS waxay kaloo sheegtay in halkaasi lagu arkay Boliska Shiinaha oo baaraya Gaari taagnaa bannaanka Safaaradda, iyadoo Baraha Bulshadad la soo dhigay sawiro muujinaya qiiq ka baxayo halka dadka ballanka Dal-ku-galka ay saftaan bannaanka Safaaradda.

Wargeyska The Global Times waxa u uTwitter-kiisa ku sheegay inaysan kala caddayn haddii uu qarax ka dhacay nawaaxiga Safaarada Maraykanka.

Shaqaalaha Safaaraddaha Hindiya iyo Koonfurta Kuurya oo u dhow Safaaradda Maraykanka waxay sheegeen inaysan ka war qabin shil aan caadi ahayn oo halkaasi ka dhacay iyo inay si caadi ah u shaqeynayaan.

Saraakiisha Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Bejing waxay sheegeen inuu dab ama qarax ka dhacay meel ku dhow Dhismaha Safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here