Nin Cunto u geeyay militariga Maraykanka oo xarig loogu badalay

0
470

Xaakim ayaa sii daayay nin soo galooti ah oo si aan sharci ahayn ay u xireen saraakiisha socdaalka, ka dib markii uu cunto geeyay xero milatari Xaakim heer deegaan ah oo lagu magacaabo Paul Crotty ayaa maalintiii Talaadada ahaydamray in la sii daayo Pablo Villavicencio oo 35 jir ah, ninkaas oo xidhnaa 53 maalmood.Mr Villavicencio ayaa 1-dii bishii June lagu xiray xarun milatari oo lagu magacaabo Brooklyn’s Fort Hamilton.Waa aabbe dhalay laba caruur ah, waxaana u dhaxda haweenay muwaadin mareykan ah,waxa uuna sugayay dal ku gal uu dalbaday.Xaakim Crotty ayaa waaxda socdaalka ku amray in ay si deg-deg ah u sii daayaan Villavicencio, sidoo kalana si ku meel gaar ah loo hakiyo musaafurintiisa.Waxa uu xaakimka sheegay in inkastoo uu sharci darro ku joogo dalka Mareykanka, kadib markii uu sannadii 2010-kii Mr Villavicencio oggolaaday in uu wadanka ka baxo, haddana waxa uu sharciyan xaq u leeyahay in uu sii joogo waddanka ka hor in aan la musaafurin.Waxa uu haatan haystaa laba caruur ah oo labaduba leeyihiin dhalashada Mareykanka. Mr Crotty ayaa qoray in Villavicencio uusan wax debmbi ah horay u galin. Waxa uu bixiyay dhamaan canshuuraha.Tan iyo markii uu guursaday xaaskiisa Sandra Chica oo muwaadin Mareykan ah, Mr Villavicencio waxa uu bilaabay in raadiyo degenaanshaha joogtada ah, waxa uuna Mareykanka ku noolaa ku dhawaad 10 sano.Dowladda ayaa haatan ka shaqeynaysa codsigiisa waxaana loo ballamiyay wareysi.*.Trump oo aqbalay in meesha laga saaro canshuur kordhinta ganacsiga*.Mareykanka oo weli xal u la’ mideynta carruurta iyo waalidiintooda*.Trump oo ku gacan seeray war murtiyeedkii ka soo baxay shirka G7Xaaska Mr Villavicencio iyo labadiisa caruur ayaa goob joog ka ahaa maxkamadda, balse weli waxa uu ku sugan yahay xaruntii markii horeba uu ku xirnaa.Warbaahinnada Mareykanka ayaa sheegaya in Maxkamadda laga maqlayay xaakinka oo waaxda socdaalka ku oranaya, “ma dareen cadaalad ah ayaa halkaan ka muuqda? “Ka dib markii lagu dhawaaqay sii deynta Mr Villavicencio, duqa magaalada New York, Andrew Cuomo, ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray, qoraal uu ku taageerayo sii deyntiisa, balse waxa uu yiri waxaaba khalad ahayd in markii horeba la xiro.Ugu dambeyntii qoyska Villavicencio ayaa dareemaya farxad weyn oo aan la soo koobi karin, ka dib 53 maalmood oo uu xirnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here