Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku sii jeeda dalka Maraykanka

0
601

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ku sii jeeda dalka Maraykanka

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in maanta safarkiisii ugu horeeyay uu ku gaaro magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booqashadiisan ayaa imaaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hase ahaatee la leeyahay waxaa uu sameeyay is badal weyn oo mudo intaa la eg aan wali horay dalka uga dhicin, gaar ahaan dhinacyada dib-u-heshiisiinta iyo dhowrista xuquuqda Madaniga ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddada uu joogo dalka Mareykanka waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato dadka ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya laakiin ku dhaqan Mareykanka isaga kala hadli doono ka qeyb-qaadashada hormarada kala duwan ee dalka socda.

Magaalada Minneapolis ayaa la filayaa in ra’iisal wasaaruhu uu kula shiro Jaaliyadaha ka soo kala jeeda Qowmiyada Soomaalida iyo Oromada oo waayadii ugu danbeeyayba dirir xooggan-ni ka dhax soctay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore booqasho ugu tegey dalal ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan wadamada jaarka la ah dalka Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here