Muxuu yidhi Erdogan oo sidaas uga xanaajiyay Ra’isul wasaaraha Israa’iil?

0
756

Raisal-wasaaraha Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaab celiyay faallooyin uu bixiyay madaxweynaha Turkiga, kaas oo dalka Israa’iil ku tilmaamay in uu yahay wadanka dunida ugu cunsuriyadda xun.Benjamin Netanyahu ayaa Recep Tayyip Erdogan ku eedeeyay in uu xasuuqay Suuriyiinta iyo kurdiyiinta kadib markii Mr Erdogan uu hogaamiyeyaasha Israa’iil la barbardhigay Hitler.Mr Netanyahu ayaa bartiisa tweetarka ku soo qoray in Turkiga uu noqday waddan ay ka jirto kaligii talisnimo daahsoon.Labada wadan ayaa waxaa dhawaanba xiriirkooda ka dhextaagnaa xasarad siyaasadeed.Inkastoo ay mar ahaan jireen xulafo aad isugu dhaw hadana Turkiga ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil sanaddi 2010 kadib markii dadka u dhaqdhaqaao xuquuda aadana oo u dhashay Turkiga oo saarnaa Markab ay turkiga uu leeyahay ay ku laayeen ciidamada kumaandooska Israa’iil marinka Gaza.Xiriika labad dal ayaa waxaa dib loo soo celiyay sanaddi 2016-kii, balse sanadakan ayay hadana waxa uu midba midka kale waddankiisa ka soo saaray diblomaasiyiinta bishii may ee sanadkan kadib markii Israa’iil ay marinka Gaza ku laaysay shacab falastiiniyiin ah oo ku dibadbaxayay xadka Israa’iil.1.Israa’iil oo duqaysay saldhigyada Iiraan ay ku leedahay gudaha Suuriya2.Israa’iil oo duqeysay 2 goobood oo marinka Qaza ku yaalla3.Sacuudiga: Israa’iil xaqbay u leedahay in ay dal yeelatoUrurada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ciidamada Israa’iil ku eedeeyay in ay adeegsan awood xad-dhaaf ah. Israa’iil ayaa sheegeysa in ay rasaasta fureen oo kaliya mar ay naftooda difaacayeen.Madaxweyne Erdogan ayaa si adag u dhaleeceeyay sharcigii muranka badann dhaliyay ee ay dhawaan ansixiyeen baarlamaanka Israa’iil.Ma ahan markii ugu horeeysay uu Mr Erdogan bilaabo weerar afka ah oo uu Israa’iil ku duqeeynayo. Bilowgii sanadkaan Mr Erdogan ayaa Israa’iil ku tilmaamay argagixso waddan kale qabsatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here