DEG-DEG: Askari Dilay Gabadh Shaahley Ka Ahayd Ex-Kantarool Afgooye

0
522

Wararka naga soo gaaraya Ex-koontorool Afgooye ayaa waxa ay sheegayaan in Haweeney Ganacsato aheyd lagu dilay halkaas,isla markaana uu dilkeeda ka dambeeyey askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.Haweeneyda oo Shaaha ku iibin jirtay Ex-koontorool Afgooye,ayaa waxaa la sheegay in askariga ay rasaasta uga fakatay halka dadka qaarkood ay sheegeen in si kas ahuu Gabadha u toogtay askariga,isla markaana isla goobta ay ku geriyootay.Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan Ex-koontorool Afgooye ayaa gacanta ku dhigay Askarigii falka dilka ah geystay ka dib markii uu isku-dayey in uu baxsado,waxana loo soo gudbiyey dhinaca Magalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley.Ehelada Gabadha uu askariga dilay ayaa tegaygoobta waxa ayna halkaasi ka soo qaaden meydka Gabadha Maqaaxida Shaaha lagu iibiyo joogtey.Dilalka ay geystaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxa ay ku soo bateen Magalada Muqdisho,iyada oo aan weli la arkin cid maxkamad u soo taagtay

Isha: Radio Dalsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here