In ka badan 200 oo qof oo ku dhintay weeraro ka dhacay Suuriya

0
605

In ka badan 200 oo qof oo ku dhintay weeraro ka dhacay Suuriya

Ugu yaraan 215 qof ayaa ku dhintay weerara ka dhacay koonfur galbeedka dalka Suuriya.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxd la baxday dowladda Islamka ee IS oo bartilmaameedsaday goobaha ay dowlada haysato.

Dhowr qarax oo ismiidaamin ah ayaa la bartilmaameedsaday magaalada Sweida.

Maleeshiyaad maxali ah ayaa waxay gobolka ay qaraxyada ka dhaceen waxa ay kula dagaalamayeen muddooyiinkii ugu dambeeyay kooxda IS.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo muddo bilooyiin ah lala bartilmaameedsado goobaha ay dowladda gacanta ku hayso.

Kooxda la baxday dowladda islaamka ayaa iyagu gacanta ku haya dhul ku yaalla waqooyi magaalada Sweida.

Kooxda IS ayaa waxa ay weeraro la beegsadaan goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka gacan saarka la leh xukuumadda Asad.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here