Kenya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Nin Ka Tirsan Al-Shabaab

0
591

Kenya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Nin Ka Tirsan Al-Shabaab

Shabakadda Wararka ee kenyanews.go.ke ayaa lagu daabacay inay Ciiddanka dalkaasi oo kaashanaya Eeyda wax urisa ay baaritaano ku sameeyeen Deegaanka Bobtat oo u dhow Hulugho oo ka tirsan Garissa ee W/bari ee dalkaasi.

Sarkaal u hadlay Milliteriga Kenya waxa uu magaca Ninka ay qabteen ku sheegeen Maxamed C/llaahi Ismaaciil, kaasi oo ku sugnaa Mudul ku yaallay Deegaankaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa uu intaasi ku daray in Ninka la qabtay loo gudbiyey magaalladda Nairobi, si ay Hay’addaha Ammaanka u weydiiyaan su’aallo dheeraad ah.

Kaaliyaha Taliyaha Boliska ee Deegaanka Hulugho,  Richards Siele ayaa xaqiijiyey in la qabtay Ninkaasi, isla markaana ay weli socdaan Hawlgallo ay Hay’adaha Ammaanka si wadajir ah uga wadaan Deegaankaasi, isla markaana ay dadka Deegaanka ugu baaqeen inay xog kasta la wadaagaan Ciiddamadda, si looga hortago weeraradda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Shabakadda  kenyanews.go.ke waxay qortay in 3  Dagaalame oo la socday Ninka la qabtay ay u baxsadeen dhinaca Deegaanka Kaymaha Booni oo ku dhow Xududuka Kenya la wadaagto Somalia.

Xigasho: kenyanews.go.ke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here