Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilka ka qaaday Wasiirkii Waxbarashada

0
664

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilka ka qaaday Wasiirkii Waxbarashada

Wareegto goor dhow ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka looga qaaday Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan.

Xil ka qaadista Wasiirka ayaa loo maleynayaa inay salka ku heyso hadalkii shalay ka soo yeeray ee ahaa in aanu aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu Guddoomiye sharafeed ka yahay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirkii waxbarashada ayaa xalay hadal uu siiyay Wakaalada wararak SONNA ku sheegay in si qaldan loo fasiray hadalkiisa, kana raalli geliyay hadalkiisa.

Sidoo kale Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu xilka Wasiirka Waxbarashada uu sii heynayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

Waa xil ka qaadistii labaad oo bishan gudaheed uu sameeyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo 9-kii bishan ay aheyd markii xilka laga qaaday wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here