Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray xeer uu ku abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka

0
585

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray xeer uu ku abuurayo Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dhismaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaddib markii uu soo saaray Xeer uu ku magacaabayo Golahan.

Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha ayaa ku taariikheysnaa 12-kii bishan July, waxaana lagu abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isagoo cuskanaya Madaxweynaha qodobada 87aad iyo 90aad ee Dastuurka, isla markaana garwaaqsaday talo soo jeedinta Wasiirka Qorsheynta iyo Guddiga talo bixinta dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada.

Golahan ayaa waxaa uu ka kooban yahay Guddi hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo shan xubnood oo la taliyeyaal qaran.

Shaqada ugu muhiimsan ee Guddigan in dowladda uu kala talinayo dhaqaalaha iyo diyaarinta istiraatiijiyad siyaasadda dhaqaale iyo maaliyadeed ee dalka.

Halkan hoose ka akhriso xeerka uu soo saaray Madaxweynaha:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here