Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
873

Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Jigjiga (Dalmar-News):- Ciidamo aad u hubeysan ayaa la soo dhoobay magaalda Jigjiga ka ddib rabshado saacadihii ugu danbeeyay ay ka dhigeen magaalada dad u badnaa dhalinyaro ka cabanaya maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu horkacayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad u badan dhalinyaro ayaa la arkayay maalintii shalay iyaga oo isugu soo baxay dariiqyada magaalada Jigjiga kuna qeylinaya erayo ka dhan ka ah maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, dhinaca kalana dalbanayay in la sii daayo dadka wali ku xidh xidhan xabsiyada Jigjiga gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadinaya.

Horay maamulku wuxuu u sheegay in gabi ahaanba la xidhay Jeelkan oo ahaa ugu ballaadhan oo ay ku xidh xidhnaayeen dadka loo heysto arrimaha siyaasada ee xidhiidhkanala leh Ururrada mucaaradka.

Balse dadkan cabanaya ee rabshadaha ka dhagay Jigjiga ayaa ku doodaya in ay wali jiraan dad ku jira gacanta maamulka, islamarkaana loo geysanayo tacadiyo kala duwan.

Maamulka ayaa amray in xiliyada habeenkii aan wax dhaqdhaqaaq ah laga sameyn karin magaalada oo lagu arkayo ciidamo aad u hubeysan oo amaanka sugaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here