Shirka Waxbarashada Sare ee Bulshooyinka Colaadaha Kasoo Kabanaya oo Muqdisho Ka Furmay

0
811

Shirka Waxbarashada Sare ee Bulshooyinka Colaadaha Kasoo Kabanaya oo Muqdisho Ka Furmay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.

Shirkaan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan, waxa uuna ka qayb galayaasha kula dardaarmay in ay maskaxda shiilaan oo seddaxda maalin ee shirkani socanayo ay soo saaraan natiijo kaabaysa horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan ay wasaaraddiisu sameysay lagu ogaaday in dadka Soomaaliyeed ee waxqoris akhriska yaqaanna ay yihiin 40%:

“Baaritaan ay sameysay wasaaradda qorsheynta waxaa lagu ogaaday in 40% oo kaliya ay wax akhriyaan waxna qoraan dadka Soomaaliyeed. 20% ay yihiin dadka Soomaaliyeed ee gaaray waxbarashada heer Jaamacadeed.”

Waxa uu tilmaamay wasiirku iney qorsheynayaan 2020 in qoris iyo akhris la’aanta ay gaarsiiyaan heerka ugu hooseysa ee suuraggal ah.

Shirkan oo hadda socda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Maxamed Axmed Jimcaale.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here