Daraasad: 18% Dhalinyadada Mareykanka oo Adeegsada Sameecadaha Dhagaha ee Smarts-ka ah… Bedelka Radio-ga

0
797

Daraasad: 18% Dhalinyadada Mareykanka oo Adeegsada Sameecadaha Dhagaha ee Smarts-ka ah… Bedelka Radio-ga

Daraasad cusub oo ay sameysay xarunta NPR iyo Edison Research ayaa daahrogay in ku dhawaad 18% dadka Mareykanka ee gaaraya 18 jir iyo da’da ka weyn ay isticmaalaan sameecadaha dhagacaha smarts-ka, waana tiro ku dhow 43 milyan oo sameecadood oo laga adeegsado gudaha dalka Mareykanka.

Sida uu sheegay website-ka “phonearena” ee dalka India ka soo baxa, warbixintu waxey intaa ku dareysaa in sameecadaha dhagaha ee smarts-ka ah ay isku dheellitiran yihiin da’aadda kala duwan, dadka da’doodu u dhaxeyso 45-50 waxey haystaan 24% qalabka, halka dadka 55 jirka ah ama ka weyn ay haystaan sameecadaha dhagaha smarts-ka 22%, halka ay warbixintu daahrogtay in ku dhawaad 54% ay ku tiirsan ay sameecadaha lana qabsadaan marka ay marka hore soo iibsadaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 90% dadka haysta sameecadaha smarts-ka ay ku tiirsan yihiin dhageysiga music-ga, halka ay ku xiran yihiin adeegyo kale oo qaarkood  lagu ogaado xaaladda cimillada ama jawaabaha su’aalo gaar ah oo ama iney ku xirtaan saacadda xasuusiyaha ballamaha ee alarm loo yaqaanno. Halka dadka qaar ay u arkaan iney bedel u yihiin radio-ga la dhageysto.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here