Suuriyiin Gabbaad Weydiistay Ciidanka Israel

0
753

Israel (DN):-Tobneeyo ruux oo u dhashay dalka Suuriya ayaa Salaasadii Shalay aad ugu dhawaaday dhulka ay Israel heysato ee buuraleyda Golan Heights si ay u weydiistaan meel ay kaga gabbadaan duqeymaha dhinaca cirka ah ee kaga imanaya diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka.Ciidamada Israel ayaa dadkani ka dalbaday in ay dib uga laabtaan xadka si aysan ula kulmin dhibaato uga timaada milatariga Israel.Milatariga Suuriya ayaa gobolka Daraa ee dhaca Koofurgalbeed dalkaasi ka wada howlgallo ay ku doonayaan in ay kaga sifeeyaan maleeshiyaadka xoogaga mucaaradka.Hey’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in goobaha ay duqeymaha cirka ah ku socdaan ay ku go’doonsanyihiin dad gaadhaya 160,000 oo ruux.Duqeymihi ugu danbeeyay ee lagu garaacay Salaasadii shalay gobolka Daraa ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux oo rayid ah, kadib marki ay madaafiic ku habsadeen iskuul ay dadka qaar ka dhiganayeen gabbaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here