Brazil Oo Baadigoobaysa Dhakhtar Caan Ah + [ Danbiga Uu Sameeyey

0
946

Brazil (DN):-Dakhtar Bumbum oo reer Brazil ah oo kucaan baxay qaliinno uu ku qurxiyo dadka caanka baxay ayaa la la’yahay ka dib markii aydhimatay haweenay uuu irbad ku duray si ay badhyuhu ugu waawaynaadaan.Baadheyaasha ayaa sheegay in Dr Denis Furtado uu sancadaas ku sameeyay Lilian Calixto, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, balse waxay xannuunsatay intii uu sancada ku waday.Dr Furtado ayaa haweenayda ula cararay isbitaal, halkaas oo xaaladeedu kaga sii dartay kuna dhimatay saacado ka dib, sida ay booliisku sheegeen.Intaas ka dibna Dakhtarkii ayaa la waayay, garsoore ayaana bixiyay waraaqdii lagu soo qaban lahaa.Dr Furtado oo 45 jir ah ayaa si joogto ah uga soo muuqan jiray telefishinnada Brazil, ciwaankiisa Instagram-kana waxaa ku taxnaa ku dhawaad 650,000.Calixto oo 46 sano jirtay ayaa ahayd hooyo labo ilmood dhashay oo ka shaqaynaysay bangi, waxayna ka soo safartay magaaladii aydaganayd ee Cuiaba oo ku taalla bartamaha Brazil si Dr Furtado uu ugu wayneeyo badhyaha habeennimadii Sabtida, sida ay wararku sheegayaan.Guriga uu sancadaas ku sameey Dakhtarku ayaa ku yaalla degmada Barra de Tijuca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here