Akshay Kumar Oo Noqday Atooraha Ugu Daqliga Badan Isagoo Sara Maray Saaxibadiis Salman Khan  Iyo SRK

0
1561

Akshay Kumar Oo Noqday Atooraha Ugu Daqliga Badan Isagoo Sara Maray Saaxibadiis Salman Khan  Iyo SRK

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay 100 atoore ee dunida ugu daqliga badan sanadkaan 2018 kuwaaso kasbadeen daqli aad u fara badan mudadii u dhaxeysay 1 June 2017 ilaa 1 June 2018.

Dhanka Bollywoodka waxaa hogaanka u hayo Super Star Akshay Kumar oo noqday atooraha ugu daqliga badan Bollywoodka isagoo liiskan boqolka qof ah ka galay kaalinta 76-aad isagoo kasbaday daqli dhan $40 Million mudadii sanadka ahed.

Waxaana dhanka Bollywoodka kusoo xigay Salman Khan oo kaalinta labaad Bollywoodka u galay balse liiskan boqolka qof ahna ka galay kaalinta 82-aad waxuuna kasbaday daqli dhan $37 Million mudadii sanadka ahed.

Balse taageerayaasha SRK wey niyad jabi doonan maadama SRK liiskan kujirin sanadkaan waana markii ugu horeysay King Khan liiska atoorayaasha daqliga ugu badan sanadlaha soo galo laga waayo waxaana ugu wacan in aflaamtiisa ganacsi wacan sameenin mudadii sanadka ahed ee lasoo dhaafay hal film kaliya ayuu la yimid wuuna ka qaasaray mashruucas.

Akki ayaa darajadan ku gaaray filmo Hits ah oo uu iska daba keenay si qaas ah mashruucisa Toilet ee India oo dhan sida weyn kaga gadmay waana atoore halkii sano ilaa sedex film la yimaado.

 

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here