Dawlada Iran Oo Ku Hanjaab Cusub Soo Saartey

0
729

Dawlada Iran Oo Ku Hanjaab Cusub Soo Saartey

Iran ayaa sheegtay in ay isku diyaarinayso in ay dardar geliso barnaamijkeeda tayaynta Uranium-ka hadii uu fashilmo heshiiskii ay la gashay quwadaha dunida.

Madaxweyne Trump ayaa hore uga baxay heshiiskaa. Waxaana haatan u socda Iran iyo dalalka Yurub wadaxaajood la doonayo in lagu dabaqabateeyo heshiiskaa.

Laakiin wakaaladda tamarka nukliyeerka ee Iran ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tallaabooyinkii ay qaadi lahayd ee ay ku tayaynayso Uranium-ka hadii wadaxaajoodyada socdaa guul darraystaan.

Ma aha markii koobaad ee Tehran ka hadasho suurto galnimada ah in ay dardar geliso tayaynta Uranium-keeda, waxaanay had iyo goor beenisaa in ay leedahay damac ay ku hanato hub nukliyeer ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here