Shirka Brussels oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray

0
631

Shirka Brussels oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray

Waxaa caawa la soo gabagabeeyay shirka Brussels ee Somalia Partenrship Forum, kaasoo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkan oo socday labo maalmood laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 14 bog.

Shirka oo wajigiisa hore uu wax ka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay.

Wajiga labaad ee shirka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka socda Beesha Caalamka iyo wakiiladooda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka sheegay horumaradii dowladdiisa gaartay, isagoo u mahadceliyay taageerada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

War murtiyeedka ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo mid walba si gaar ah u faah faahinayay, sida siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo la bogaadiyay horumarka dowladda ka sameysay barnaamijka SMP, kaasoo dowladda ku guuleysatay shuruudihii looga cafin lahaa deymaha.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqaha la siiyo Soomaaliya si toos ah loo soo marinayo Bankiga Dhexe, waxaana jiri doono isla xisaabtan labada dhinac ah.

Shirka Brussels ayaa marka loo eego sidii la filayay uga heer hooseeya madaxda ka qeyb gashay oo u badnaa wakiilo iyo madax qeybood ka socday dowladaha iyo ururo caalami ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here