SIR CULUS : Madaxweyne Farmaajo Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ku Kulmaya Magaalada Brusells

0
904

SIR CULUS : Madaxweyne Farmaajo Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Ku Kulmaya Magaalada Brusells

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta kulan la yeelanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo hase ahaatee lama oga ajandaha kulanka labada masuul. Eng Faysal ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugna magaalada Brusells ee shirku uga socdo Soomaaliya.

Eng Faysal oo ka jawaabayay dhalliil loo jeediyay sawirro uu la galay danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midawga Yurub wuxuu sheegay in ay tahay in madaxdu kulanto iyaga oo ku kala duwan fikradaha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Eng Faysal oo ay isku dhaw yihiin xukumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lama oga in uu Farmaajo gaadhsiin doono farriin uu ka sido madaxweynaha iyo in uu arrimo u gaar ah kala hadli doono laakiin, waxa lagu xasuusta fikradihiisa xagjirka ah ee ku saabsan in uu ku doodo in uu taaggan lahaa cidda Somaliland ah ee Soomaaliya tagta ama taageerta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here