Muhaajiriin Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Libiya Iyo Kuwo Ku Geeriyooday Gaari Lagu Tahriibinayey.

0
928

Muhaajiriin Laga Soo Badbaadiyey Xeebaha Libiya Iyo Kuwo Ku Geeriyooday Gaari Lagu Tahriibinayey.

Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalkaasi  Ayuub Qaasimi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inay shalay soo badbaadiyeen 158 Muhaajiriin, kuwaasi oo ay doonidii ay la socdeen ku cilladowday meel 26 mayl ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khonis oo 120-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Ayuub Qaasimi waxa uu tilmamaay in Muhaajiriinta la soo badbaadiyey kala ahaayeen 115 rag, 34 haween iyo 9 carruur ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalal Afrikaan iyo kuwo Carbeed.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Libya waxay sheegeen inay maydadka 8 Tahriibayaal oo ku caburmay gaari xamuul laga helay magaalladda Zuwaara ee Galbeedka dalkaasi.

8-daasi qof ee geeriyootay ayaa kala ahaa 6 carruur, haweeney iyo nin.

Waxay kaloo Boliska nolol ku soo badbaadiyeen 90 kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalladda Zuwara.

Taliska Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay qabteen Gaari Xamuul oo lagu waday Tahriibayaal tiradoodu dhamayd 100 qof, kuwaasi oo 8 ka mid ah geeriyootay.

Tahriibayaashaasi ayaa la sheegay inay isugu jireen Afrikaan, Carab iyo kuw Pakistan iyo Bangaladesh u dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here