Qurbo-Joogga Beesha Arab Oo Taageeray Qoddobadii Shirkii Gacan-Libaax Iyo Ka Qayb-Galkii Ugaaska Guud Ee Beelaha Arab

0
791

Qurba Jooga Beesha Arab Sheekh Isaxaaq ee ku kala nool Qaaradaha Yurub, Mareykanka, Ustareeliya, Eeshiya ayaa Si Guud u Taageeray Go’aamaddii ka soo Baxey Shirkii Buurta Gacan-Libaax ay Ku qabsadeen Beelaha Garxajis iyo Waliba Sidii Sharafta iyo Maamuuska laheyd ee uu uga Qeyb galey Ugaaska Guud ee Beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi).Kadib markii ay Xidhiidh Toos ah oo Noocyadda kala Duwan ee Isgaadhsiinta ku Kulmeen Todobaadyadii u Dambeeyay Xubnaha joogtadaah ee Qurba jooga Beesha Arab oo ku kala nool Qaaradaha aynu Xusney Waxey taageero Mug iyo Miisaan leh u muujiyeen Dhamaanba Qodobaddii Kasoo Baxey Shirkii ay dhawaan ku QabsadeenBuurta Gacan-Libaax Beelaha ay Walaalaha yihiin ee Garxajis Qodobadaas oo Munaasib ku ahaa Xaalada Xiligan Wadanku ku Sugan yaheyee Sadbursiimada ah, Khusuusana Qodobada Khuseeya Wax Wada lahaanshaha Somaliland iyo Sida ay Jeegaantu uga badsatey Beesha Dhexe iyo Beelaha kale ee Reer Somalilans.Sidoo Kalena Waxa ay Xidhiidhadaas Tooska ahee ay ku Tashadeen Qurba Jooga Beesha Arab Taageero aan yareyn oo Mug iyo Miisaan leh ugu Taageereen Ugaaska Guud ee Beelaha Arab sidii Milgaha iyo Maamuuska Laheyd ee uu uga Qeyb galey Shirkaasi isagoo marka horeba Wakiil ka ahaa Qurba jooga Arab meel kasta oo ay Dunida ka joogaan, Waxaaney U Muujiyeen in ay Taageerada Ka Qeyb galkiisa Shirkaa ee mu.akidka aheyd ku barbar joogaan Taageero Af iyo Adinba leh oo Dhaxal gal ah iyagoo u arka in uu Sharaf iyo Karaamougu soo hooyey Beelweynta Arab.Gabgabadiina Waxa ay Rajo Mustaqbal u muujiyeen Ugaaska iyo Ragga Kale ee ka Qeybgalka Shirkaa ku Wehelinayey iyo Inta Aragtida fog leh ee ku taageersaneyd kuna barbar joogtey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here