[Xog ]: Sirdoonka Imaraadka CarabtaOo Somalya Ka Abaabulay Maleeshiyo Beeleed Hubaysan Oo Ka Dhan Ah Dawlada Fadaraalka Somaliya + [ Akhriso ]

0
602

Moqdisho (DN):- Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo Cabdilaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia, si ay Kalsooni uga helaan qaar ka midah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed.Khabiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xidhiidh cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinaysoKharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay.Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq ayuu ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin.Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here