Talyaaniga oo dad soogalooti ah u ogolaaday Jasiirada Sicily

0
667

Talyaaniga oo dad soogalooti ah u ogolaaday Jasiirada Sicily

Dawladda Talyaaniga ayaa 450 ruux oo soogalooti ah u ogolaan doonta in ay galaan Sicily.

Go’aankaas ayaa la gaaray ka dib markii uu Talyaanigu sheegay in Faransiiska, Jarmalka, Malta iyo Boortaqiiska iyo Spain uu mid walba ogolaaday in uu qaato konton ruux oo soo galootigaas ka mid ah.

Malta iyo Talyaaniga ayaa markii hore ku adkaysatay in ay qasab tahay in dalalka kalana ay ogolaadaan in ay doomuhu ku soo xirtaan.

Dawladda cusub ee Talyaaniga ayaa adkaysay siyaasadaheeda iyadoo ku dadaalaysa in ay xakamayso doomaha ku soo xirta xeebaheeda.

Ilaa iyo hadda dumar iyo carruur oo kali ah ayaa loo ogolaaday in ay cagaha saaraan dekedda Pozzallo ee Sicily, kuwaas oo guud ahaan isku ah 57 ruux.

Dadkaas soo galootiga ah waxaa doontii ay saarnaayeen ka soo badbaadiyay labo doon oo leedahay hay’adda Frontex ee ilaalisa xadka iyo xeebaha Midawga Yurub.

Ka hor intaan doontooda oo alwaax ka samaysan laga soo badbaadinin Sabtidii, Maalta ayaa diiday baaqyo loo soo jeediyay oo ahaa in ay ogolaato in ay ku xirato Valletta, waxayna sheegtay in ay iyaga uga dhawdahay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Laakiin wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in doomaha Frontex ay aadaan dhanka Liibiya ama Malta marka ay badbaadiyaan soo galootiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here