Puntland Oo Amar Culus Dhigtay Murashaxiinta U Tartamaya Jagada Madaxwayne Ee Maamulka Puntland Ee Booqanaya Deegaanka Tukaraq

0
556

Garoowe (DN):-Taliyaha Guud ee Ciidamada Dowlad goboleedkavPuntland ayaa soo saaray Go’aan ka dhan ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ee Sanada 2019 ee tegaya Furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq.Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa sheegay in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn inay ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in wixii ay u qabanayaan ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan.”Musharxiinta way booqan karaan furumaha dagaalka, wax allaale iyo wixii ay doonaan way geyn karaan balse waa mamnuuc in la’isku-sawiro, iyadoo lacago iyo waxyaabo kale loogu deeqayo ciidamada” ayuu yidhi taliyaha.Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa weli isku-horfadhiya ciidamada Puntland iyo kuwa Somailand oo halkaas dhowrjeer ku dagaalamay.Maalin ka hor ayaa waxaa degaanka Tukaraq gaadhey mid ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Puntland, oo shidaal uu ciidamada ugu deeqayey iskula sawiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here